Awooda weerarka AC Milan ayaa soo bandhigtay ciyaar fudud oo ay 4-1 kaga badiyeen Torino si ay u ilaashadaan bilowgoodii saxda ahaa ee horyaalka Seria A.
Olivier Giroud iyo Saxiixa cusub Christian Pulisic ayaa labadoodaba gool dhaliyeen kulankii furitaanka ee ay ka badiyeen Bologna waxana ay mar kale dhaliyeen saddex ka mid ah 4-tii gool ee ay ka dhaliyeen Torino.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Mareykanka Pulisic ayaa daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta u dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib baas uu ka helay saaxiibkiis hore ee kooxda Chelsea ee Ruben Loftus-Cheek,waxana uu ciyaarta ku soo idlaatay qaybtii hore oo Milan hogaanka haysa.
Perr Schuurs ayaa seddex daqiiqo ka dib u barbareeyay qaybtii labaad ee ciyaarta, laakiin Giroud ayaa gool u bedelay rigooradii ugu horeysay daqiiqadii 43aad ka dib markii VAR uu xaqiijiyay kubada gacanta lagu taabtay.
Theo Hernandez ayaa dhaliyay goolkii seddexaad ee ciyaarta, halka markale uu VAR xaqiijyay rigoore labaad ee Milan daqiiqadii 65aad, kaasoo mar kale gool u bedelay Giroud.
.jpg)
0 Comments