Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Crystal Palace Mali Cheick Doucoure, oo 23 jir ah, ayaa diirdarada usaaran Liverpool, waxaana lagu qiimeeyaa 70 milyan ginni. (Football Insider)

West Ham ayaa dib ula furtay wadahadalada Manchester United si ay ula soo wareegto daafaca reer England Harry Maguire, oo 30 jir ah (Sun).

Manchester United ayaa la xiriirtay kooxda Chelsea si ay amaah ugu hesho daafaca dambeedka midig ee Spain Marc Cucurella, oo 26 jir ah. (Fabrizio Romano).

Weeraryahanka Liverpool ee Mohamed Salah, oo 31 jir ah, ayaa u sheegay kooxda inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Saudi Arabia ee Al-Ittihad. (Rudy Galetti)

Liverpool ayaa isku diyaarinaysa la soo wareegida weeraryahanka Atletico Madrid iyo xulka Portugal ee Joao Felix, oo 23 jir ah, si ay u noqdaan bedelka Salah. (Football Transfers)

Everton ayaa ogolaatay inay bixiso wax ka badan 30 milyan euros (£25.7m) si ay ula soo saxiixato weeraryahanka reer Portugal Beto, oo 25 jir ah, kana tirsan kooxda Udinese. (Fabrizio Romano)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Connor Gallagher, oo 23 jir ah, ayaa iska diiday inuu u dhaqaaqo Tottenham si uu ugu dagaalamo booskiisa Chelsea. (Football Insider)

Ajax ayaa wadahadalo kula jirta Atlanta United si ay u ga heshiiyaan xiddiga khadka dhexe ee Argentina Thiago Almada, 22 jir ah. (90 min)

Chelsea ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa inay u dhaqaaqdo daafaca Bayer Leverkusen iyo xulka Netherlands Jeremie Frimpong, 22 jir ah. (Fichajes - in Spanish)

Brighton ayaa ogolaatay heshiis 23.2 milyan ginni ah si ay ula soo saxiix daan 19 jirka reer Cameroon iyo kooxda Lille Carlos Baleba. (Talksport)

Luton ayaa raadineysa heshiis macquul ah oo ay kula soo saxiixaneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Newcastle ee 28 jirka ah Isaac Hayden. (Mail)

Daafaca dambeedka midig ee reer Spain Ivan Fresneda, oo 18 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Sporting Lisbon ugana imaanaya Real Valladolid. Waxaa sidoo kale lala xariirinaya kooxaha Arsenal iyo Newcastle. (Fabrizio Romano)

Barcelona aad u doonaysay saxiixa xidiga Fresneda, laakiin waxa ay doorteen daafaca reer Portugal ee Joao Cancelo oo 29 jir ah kagana imaanaya kooxda Manchester City. (The Athletic)

Crystal Palace ayaa laga yaabaa inay u soo bandhigto ciyaaryahankeeda khadka dhexe ee England Eberechi Eze, oo 25 jir ah, lacagta lagu iibsankaro qandaraaskiisa xilli ay xiiseyneyso Manchester City. (Sun)

Sevilla ayaa wax ka weydiisay suurtogalnimada ay dib ula soo saxiixan karto daafaca France Clement Lenglet, oo 28 jir ah, kana tirsan kooxda Barcelona. (Marca - in Spanish)

Tababaraha Fiorentina Vincenzo Italiano ayaa ku booriyay guddiga si ay xal ugu helaan xidiga 27 jirka khadka dhexe ee Morocco Sofyan Amrabat mustaqbalkiisa xilli ay cishqi badan ay u hayso kooxda Manchester United. (Sky Germany)