Manchester United ayaa ka fiirsaneysa sida ay ula soo saxiixan lahayd  28 jirka khadka dhexe ee Tottenham iyo Denmark Pierre-Emile Hojbjerg. (Telegraph - subscription required)

Bayern Munich ayaa raadineysa inay heshiis amaah ah kula wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Scott McTominay, oo 26 jir ah, Bayern oo damacsan in ciyaaryahankeed khadka dhexe ee Netherlands Ryan Gravenberch, 21 jir ah, inuu amaah ugu dhaqaaqo Old Trafford. (Bild - in German)


Al-Ittihad ayaa diyaar u ah inay bixiso lacag dhan $162m oo ay ku doonayaan Mohamed Salah, inkastoo Reds ay ku adkaysanayso in 31-jirka reer Masar uusan iib ahayn. (CBS Sports)


Manchester United ayaa udhaqaaqday saxiixa  daafaca reer England ee Brentford Rico Henry, oo 26 jir ah, iyagoo damacsan in  ay ku bedeli karaan daafaca bidix ee England Luke Shaw, 28. (Mail).


United ayaa qarka u saaran inay diido dalabkii ugu dambeeyay ee kooxda  West Ham oo ku aadan daafaca England Harry Maguire, iyadoo tababare Erik ten Hag uu doonayo inuu sii haysto 30 jirkaan xilli ay sii kordhayaan dhibaatooyinka kooxda. (Talksport)


West Ham ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay weeraryahanka Corinthians Yuri Alberto oo 22 jir ah,  waxaana la filayaa inuu dhameystiro heshiis rasmi ah 24ka saacadood ee soo socda. (Football Insider)



Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay dalab ka gudbiso  23 jirka qadka dhexe ee Arsenal iyo England Emile Smith Rowe, sidoo kale  Barcelona - weeraryahankeda  Isbaanishka ah Ferran Torres, 23 jir ah, iyo xidiga  Brazil Raphinha, 26 jir ah  - ayaa lala xariirinayaa in lasoo saxiixato Blues. (Mail)

Tottenham ayaa wadahadalo la gashay Nottingham Forest oo ku aadan saxiixa weeraryahankeeda Wales Brennan Johnson, laakiin dalab rasmi ah wali ma aysan ka gudbin gudbin 22 jirkaan. (Sky Sports)


Barcelona ayaa ku dhaw inay dhamaystirto heshiis amaah ah oo ay kula soo wareegayso xidiga 29 jirka reer Portugal ee Joao Cancelo maalmaha soo socda. (ESPN)


Kooxda Nottingham Forest ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa  xidiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Leicester City ee Wilfred Ndidi oo 26 jir ah. (Talksport)


Liverpool ayaa ku dhow  inay lasoo saxiixato garabka PSV Eindhoven ee xulka Belgium Johan Bakayoko, iyadoo kooxaha kale ee Everton, Burnley iyo Crystal Palace ay sidoo kale xiiseynayaan 20 jirkaan. (Football Insider) 


Nottingham Forest ayaa dalab ku dhow 9m euros (£7.7m) ka gudbisay goolhayaha Benfica iyo Greece Odysseas Vlachodimos, 29 jir ah. (Fabrizio Romano)


Leeds ayaa la soo xiriirtay daafaca midig ee kooxda Tottenham iyo xulka England ee 21 jirada Djed Spence, heshiis amaah hal xilli ciyaareed. (Athletic - subscription required)


Kooxda Sacuudiga ka dhisan ee Al-Ittihad ayaa sidoo kale xiiseyneysa in ay lasoo saxiixdaan daafaca reer England ee Liverpool, Joe Gomez, laakiin Reds ayaan wax niyad ah u heyn iibinta 26 jirkaan. (Fabrizio Romano)