Ciyaaryahanka Manchester City Erling Haaland ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ee ciyaartooyda ragga ee PFA, halka ciyaaryahanka Arsenal Bukayo Saka loo magacaabay da'yarka sanadka.
Weeraryahanka Norway Haaland, oo 23 jir ah, ayaa dhaliyay 52 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda Manchester City.
Haaland ayaa ku garaacday abaal marintaan saaxiibadii Kevin de Bruyne iyo John Stones, ay isku koox ahaayeen, halka Saka Arsenal, Martin Odegaard iyo weerar yahankii hore kooxda Tottenham Harry Kane, oo hadda ku sugan kooxda Bayern Munich.
City waxay ku guuleysatay Premier League, FA Cup iyo Champions League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.
"Sharaf bay ii tahay inaan ku guulaysto abaal-marintan, In la ii aqoonsado tartamayaasha waa dareen aad u wanaagsan, waxaana jeclahay inaan u mahadceliyo qof kasta oo ii codeeyay" ayuu yidhi Haaland.
Sidoo kale xidiga ku guleystay abaalmarinta PFA ayaa kusii daray “Waxay ii ahayd xilli ciyaareed aan la ilaawi karin kooxda iyo aniga shaqsi ahaan, ku guuleysiga Treble-ka waxay ahayd wax aanan waligey malaynayn, si aan taas u gaaro koox gaar ah oo ciyaartoy ah waxay ahayd dareen cajiib ah.
Haaland waxa uu City kaga soo biiray kooxda Borussia Dortmund heshiis ku kacaya £51.2m bishii June 2022.
Waxa sidoo kale la magacaabay abaalmarinta ciyaartoyga da'da yar, taas oo la siiyay xidiga England Saka ka dib markii uu dhaliyay 14 gool isla markaana ka qayb qaatay 11 caawin xilli ciyaareedkii hore ee Gunners.
21-sano jirkaan ayaa ku garaacay Moises Caicedo, kaasoo dhawaan Chelsea kaga soo biiray kooxda Brighton, waxaa sidoo kale lagu garaacay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Aston Villa Jacob Ramsey, weeraryahanka Arsenal Gabriel Martinelli iyo weeraryahanka Brighton Evan Ferguson.
Dhanka kale, Haland iyo Saka ayaa lagu daray kooxda sanadka ee PFA.
.jpg)
0 Comments