Chelsea ayaa laga yaabaa inay dalab 80 milyan ginni ah ka gudbiso weeraryahanka England Ivan Toney, ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda 1da Sebtember. (Independent)
Tottenham ayaa kooxda Bayern Munich u soo bandhigtay fursad ay kula soo saxiixan karto xidiga 29 jirka ee daafaca uga ciyaara xulka qaranka England ee Eric Dier. (Sky Sports Germany - in German)
Kooxda Brentford ayaa ka baxday tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Wales Brennan Johnson, taasoo ka dhigeysa Tottenham inay tahay kooxda ugu cadcad inay heshiis ina ay la gaarto Kooxda Nottingham Forest. (Mirror)
Kooxda Spurs ayaa sidoo kale wadahadal lasameysay naadiga Barcelona helitaanka weeraryahanka reer Spain Ansu Fati, oo 20 jir ah, laakiin waxay tartan kala kulmaysaa Chelsea. (Fabrizio Romano)
Manchester United ayaa xiriir lasameysay kooxda Lyon si ay amaah ugala soo wareegto xidiga 30 jirka daafaca bidix ee Argentina Nicolas Tagliafico. (Le Parisien - in French)
Besiktas ayaa qarka u saaran inay u soo bandhigto xidiga 21 jirka weerarka uga ciyaara Manchester United ee Mason Greenwood inuu dib ugu soo laabto kubada cagta ka dib markii lagu dhawaaqay inuu fasax kayahay garoonka Old Trafford. (i Sport)
Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo inay dib ugu soo celiso Premier League weeraryahanka Portugal Joao Felix ka dib qaab amaah uu ku joogay Stamford Bridge xilli ciyaareedkii hore. (90 min)
Aston Villa ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Barcelona oo ku aadan saxiixa 28 jirka daafaca uga ciyaara France ee Clement Lenglet. (Fabrizio Romano)
Fulham ayaa wadahadalo muuqata kula jirta kooxda Everton si ay ula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Nigeria Alex Iwobi oo 27 jir ah (Talksport)
Fulham ayaa sidoo kale heshiis la gaartay kooxda Sevilla weeraryahankeeda Lucas Ocampos, oo 29 jir ah. (Telegraph - subscription required)
Nottingham Forest ayaa heshiis amaah ah kula heshiisay xidig katirsan kooxda Arsenal ee 23 jirka daafaca bidix uga ciyaara ee Nuno Tavares. (Fabrizio Romano)
Arsenal ayaa diiday dalab uga imaaday kooxda Chelsea ee ku dalbatay weeraryahanka reer England Emile Smith Rowe, oo 23 jir ah. (Mail)

0 Comments