Weeraryahanka reer Spain Ansu Fati ayaa qarka u saaran inuu dhameystiro heshiis qaab amaah ah oo  ugu biirayo kooxda Brighton.

Fati ayaa kawaayay  kooxda Barcelona booska joogtada, Barcelona  ayaa damacsan in  si  amaah ugala soo wareegto daafaca Manchester City Joao Cancelo.

Heshiiska Brighton ee 20-jirka kuma jiro wax waajib ah in ay iibsato.

Tottenham ayaa sidoo kale lala xiriirinayay Fati laakiin waxaa la fahamsan yahay inuu la dhacasan yaha  qaab ciyaareedka kooxda Brighton ee tababare Roberto de Zerbi.

Hadii uu heshiisku u dhaco sidii loo qorsheeyay, waxa ay  noqon doontaa saxiix umuhiim ah kooxda Brighton oo xilli ciyaareedkan ciyaari doonta koobka kooxaha Yurub  ee Europa League markii ugu horaysay ee ay u soo baxdo.

Fati, oo u dhashtay dalka Guinea-Bissau, balse dooratay ina uu matalo Spain, isla markaana uu qayb ka ahaa xulkii  Koobka Adduunka sannadkii hore, ayaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda da’da yar ee ugu wanaagsan ciyaarta.

2021, wuxuu u saxiixay kooxda  Barcelona qandaraas cusub oo socon doona ilaa 2027 waxaana qandaraaskaas lagu burburin karaa  1 bilyan euro.