Naadiga Al-Ittihad ayaa diyaarinaysa dalab 118 milyan ginni ah oo ay ku dooneyso Mohamed Salah, inkastoo Liverpool ay ku adkeysaneyso in 31-sano jirkooda in  uusan iib aheyn. (Mail)

Tottenham Hotspur ayaa sidoo kale ka fiirsaneysa inay ay dalab ka gudbiso weeraryahanka Naadiga Crystal Palace ee  Eberechi Eze, ka dib markii kooxda Nottingham Forest ee soo gashay xiisaha xidiga Weles Brennan Johnson. (Independent)

Manchester United ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahan khad dhexe ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, iyadoo bartilmaameedkooda koowaad uu yahay xiddiga kooxda Fiorentina ee  Sofyan Amrabat, oo 27 jir ah. (Mirror)

Fiorentina ayaa diiday dalab 1.7 milyan oo gini oo ay United ku doonaysay xidiga Amrabat laakiin waxa ay tixgelin doontaa dalab yada kale ee soo gudbiso. (Mail)

Manchester United ayaa sidoo kale kala xiriir lasameysay kooxda Tottenham heshiiska ku aadan 28 jirka khadka dhexe ee reer Denmark Pierre-Emile Hojbjerg. (Sky Sports)

Bayern Munich ayaa xiiseyneysa 28 jirka qadka dhexe ee Fulham Joao Palhinha, kaasoo u furan inuu katago kooxda, waxaana kooxda reer London ay ku qiimeysay 90m euros (£77m). (Sky Sports Germany)

Borussia Dortmund ayaa heshiis afka ah la gaartay daafaca Southampton iyo xulka Germany Armel Bella-Kotchap, oo 21 jir ah, heshiis amaah ah oo leh ikhtiyaar in ay ku iibsan karo. (Sky Sports Germany)

Inter Milan ayaa isha ku haysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xidiga 26 jirka khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Tanguy Ndombele kaas oo xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay naadiga  Napoli. (Tuttomercatoweb - af Talyaani)

Wolves ayaa dalab 25 milyan oo euro ah oo u dhiganta (£21.5m) ka gudbisay 19 jirka xidiga khadka dhexe ee kooxda Strasbourg ee Habib Diarra laakiin wali wax jawaab ah lagama  helin kooxda Ligue 1 ka dhisan. (L'Equipe - Faransiis)

Luton Town ayaa qarka u saaran inay la soo wareegto 21 jirka daafaca uga ciyaara kooxda Manchester United Teden Mengi. (Boostada)

Nottingham Forest ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto xidiga 22 jirka garabka uga ciyaara England Callum Hudson-Odoi oo ka tirsan kooxda Chelsea. (Masuul)