Tababaraha xulka qaranka England Gareth Southgate ayaa shaxda xulka ku soo daray Jordan Henderson iyo Harry Maguire kulamada bisha September ay la ciyaari doonaan xulalka Ukraine iyo Scotland.
Ciyaaryahanka khadka dhexe Henderson, ayaa shaxda lagu soo daray ka dib markii uu ka tagay Liverpool kuna biiray kooxda Saudi Arabia ee Al-Ettifaq bishii July.
Daafaca dhexe ee Maguire ayaa lagu soo daray shaxda kooxda inkasta oo uu san u ciyaarin Man United ilaa haatan xilli ciyaareedkan.
England ayaa la ciyaari doonta Ukraine isreebreebka Euro 2024 9ka Sebtember xulka Poland, iyo Scotland ciyaar saaxiibtinimo la ciyaari doonaan 12ka Sebtember.
Weeraryahanka kooxda Arsenal Eddie Nketiah iyo daafaca dhexe ee Chelsea Levi Colwill ayaa heli doona markii ugu horeysay in looga yeero xulka England, halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Kalvin Phillips uu sidoo kale ku jiro xidiga loo yeeri karo, inkastoo uusan weli u ciyaarin kooxda Manchester City xilli ciyaareedkan.
Weeraryahanka kooxda Chelsea Raheem Sterling ayaa mar kale laga soo tagay, ka dib markii labaad oo aan looga yeerin xulka England.
Sidoo kale xidiga ha Tyrone Mings, Luke Shaw iyo John Stones ayaa dhaawac ku maqan, halka ciyaartooyda kale ee Ben Chilwell iyo Fikayo Tomori dib loogu yeeray.
Daafaca midig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa lagu daray xidigaha liiska khadka dhexe, isagoo halkaas u ciyaaray kulamadii ugadambeeyay ee ka badiyeen xulalka Waqooyiga Macedonia iyo Malta bishii June.
Liiska xidigaha Xulka England
Goolhayayaasha:
Sam Johnstone (Naadiga Crystal Palace),
Jordan Pickford (Naadiga Everton),
Aaron Ramsdale (Naadiga Arsenal)
Daafacyada:
Ben Chilwell (Naadiga Chelsea),
Levi Colwill (Naadiga Chelsea),
Lewis Dunk (Naadiga Brighton & Hove Albion),
Marc Guehi (Naadiga Crystal Palace),
Harry Maguire (Naadiga Manchester United),
Fikayo Tomori (Naadiga AC Milan),
Kieran Trippier (Naadiga Newcastle United). ,
Kyle Walker (Naadiga Manchester City)
Khadka dhexe:
Trent Alexander-Arnold (Naadiga Liverpool),
Jude Bellingham (Naadiga Real Madrid),
Conor Gallagher (Naadiga Chelsea),
Jordan Henderson (Naadiga Al-Ettifaq),
Kalvin Phillips (Naadiga Manchester City),
Declan Rice (Naadiga Arsenal)
Weerarka:
Eberechi Eze (Naadiga Crystal Palace),
Phil Foden (Naadiga Manchester City),
Jack Grealish (Naadiga Manchester City),
Harry Kane (Naadiga Bayern Munich),
James Maddison (Naadiga Tottenham),
Eddie Nketiah (Naadiga Arsenal),
Marcus Rashford (Naadiga Manchester United),
Bukayo Saka (Naadiga Arsenal),
Callum Wilson (Naadiga Newcastle United)
.jpg)
0 Comments