Xiddiga kooxda Liverpool Virgil van Dijk ayaa ganaax ku seegi doona kulankaan ka dib markii uu casaankii uu qaatay kulankii Newcastle isbuucii hore.
Curtis Jones ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawac canqowga ah sooo gaaray laakiin xidigaha kala ah Ibrahima Konate iyo Thiago Alcantara ayaan wali taam ahayn kooxda.
Aston Villa ayay u badan tahay inay isku shaandheyn ku sameyso line-upkeeda kooxda, ka dib markii macalin Unai Emery uu sameeyay lix bedel kulankii ay isbuucii hore ka badiyeen kooxda Hibs.
Goolhaye Emiliano Martinez ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda ka dib dhaawac kasoo gaaray kubka, waxaana qiimeyn lagu sameyn doonaa ka hor kulanka.
Xidiga ha kooxda Aston Villa Alex Moreno, Bertrand Traore iyo Jacob Ramsey ayaa weli dhaawac ku maqan.
.jpg)
0 Comments