.jpg)
Daafaca Arsenal Takehiro Tomiyasu ayaa diyaar u ah kooxda ka dib ganaax uu soo dhameystay.
Gabriel Jesus ayaa laga yaabaa inuu u ciyaaro kooxda ka dib markii uu bedel ku soo galay isbuucii hore markii uu ka soo laabtay dhaawac.
Laacibka Manchester United Raphael Varane ayaa dhaawac ku seegi doona kulanka caawa.
Wareerar yahanka cusub ee kooxda Machester United ee Rasmus Hojlund uu isna safan karo kulankiisii ugu horeeyay ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac dhabarka ah.
XAQIIQOOYINKA CIYAARTA CAAWA
Kulamada ay iska hor yimaadeen labada koox
Arsenal ayaa badisay afar ciyaar midna bar-baro ayay gashay shantii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeedeen kooxda Man Utd oo ay ka mid yihiin labadii kulan ee ugu dambeeyay.
Gunners ayaa badisay seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka Premier League ah oo ay garoonkeeda kula ciyartay Red Devils markii ugu horeysay tan iyo intii u dhaxeysay 1988 ilaa 1991.
Manchester United ayaa lagaraacay shan ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajahday naadiga Arsenal 2 guul iyo 2.
Kooxdii guriga ku ciyaaraysa ayaa dhalisay saddex gool afartii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee labadan kooxood.
0 Comments